LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa maxay macdanuhu

 Macdanuhu: waa maaddooyin macdan ah oo jidhkeenu u baahan yahay si uu si sax ah oo caafimaad qaba u shaqeeyo. Waxaa lagu magacaabaa minerals Af-Ingiriisi waana qayb ka mid ah nafaqooyinka muhiimka ah ee jirku u, u baahan yahay oo aan sameysan karin, lagana helo cuntada.


  • Waa maxay shaqada ay qabtaan?

Macdaha caafimaadku waxay muhiim u yihiin:

Dhismaha lafaha iyo ilkaha

Samaynta unugyada dhiigga

Nidaamka neerfaha iyo murqaha

Habka difaaca jirka

Dheefshiidka iyo isticmaalka tamarta


  • Noocyada Macdaha Caafimaad ee Muhiimka ah, shaqada ay qabtaan iyo cuntooyinka lagahelo

Kalsiyam: (Calcium) Lafaha & ilkaha dhismahooda, shaqada murqaha Caano, farmaajo, broccoli

Iron (Ferro): Samaynta unugyada dhiigga cas Hilibka, digirta, spinach

Potassium:Maareynta cadaadiska dhiigga, shaqada murqaha Moos, baradho, yaanyo

Magnesium Tamarta & murqaha, laf-dhis Nuts, laws, khudaar cagaaran

Zinc:Difaaca jirka, bogsashada dhaawacyada Hilib, kalluun, iniin

Iodine: Shaqada qanjirka tayroodhka Milix iodized ah, kalluun

Sodium: Maareynta biyaha jirka iyo cadaadiska dhiigga Milix, cuntooyinka warshadaysan

Phosphorus:Dhismaha lafaha iyo unugyada Caanaha, digaagga, kalluunka

Selenium:Ka hortagga xag-jirka (oxidation), difaac Kalluun, ukunta, lowska Brazil


  • Calaamadaha muujin kara yaraanta macdaha caafimaad:

           Daal iyo tabar-darro

          Murqo-goyn ama gariir

           Ilkaha oo dillaaca ama lafaha oo jaba         

        Timaha ama maqaarka oo dhibaato yeesha

         Dhiig-yaraan (anemia)


  • Sidee loo helaa macdahaas?

Cun cunto kala duwan oo caafimaad leh: khudaar, hilib, kalluun, caanaha, miraha.

Ka fogow cunnooyinka aadka loo warshadeeyay.

Dadka qaarkood waxay u baahan karaan kaabuubyo (supplements) haddii ay nafaqo yari ka haysato.

NB: Macdaha caafimaadku waa tiir muhiim u ah caafimaadka guud ee jirka. Jirkaaga si fiican ayuu u shaqaynayaa marka aad hesho dhammaan macdahaas si dheellitirnaan leh.


Link


Post a Comment

0 Comments